Hot Topics

Mareykanka oo soo riday diyaarad ay lee dahay Iran

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ciidammada badda ee waddanka Mareykanka ay marinka Hormuz ku soo rideen diyaarad aanay cidina wadin oo Iiraan ay leedahay.

Waxa uu sheegay in markabka USS Boxer “uu isdifaacay” Khamiistii kaddib markii diyaarad aanay cidina wadin ay u soo jirsatay 1,000 yaardi.

Iiraan ayaa sheegtay in aanay wax war ah u ahayn in diyaarad aanay cidina wadid ay ka burburtay. Bishii Juun, Iiraan ayaa waxa ay soo ridday diyaarad aanay cidina wadin oo uu leeyahay milateriga waddanka Mareykanka oo isla aaggaas maraysay.

Goor sii horraysay, Tehraan ayaa waxa ay sheegtay inay qabatay markab ajnabi ah oo nooca shidaalka qaada ah iyo 12 shaqaale ah oo saarnaa oo Axaddii shidaal si qarsoodi ah kaga saarayay Gacanka.