Hot Topics

Ciidanka Somaliland iyo Jabhadda Col. Caare oo ku dagaalamay Sanaag.

Ciidanka Maamulka Somaliland iyo Jabhadda Col. Caarre ayaa ku dagaalamay degaanka Karin ee gobolka Sanaag, Iyadoona uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaas.

Wararka ayaa sheegay in dagaal oo ahaa mid culus uu yimid kaddib markii Ciidanka Jabhadda Col. Caare ay weerareen saldhig ciidanka maamulka Somaliland ay ku lee yihiin Degaanka Karin, waxaana la xaqiijiyay dhaawac hal askari.

Dhaawaca Askariga ayaa la geeyay Cusbitaalka guud ee Magaalada Ceerigaabo,  waxaana uu katirsan yahay Guutada 99-aad ee ciidanka Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay keenay degaanada Gobalka Sanaag, ciidamo fara badan, Iyadoona jabhadda korneyl Caarre ay shalay ka guureen goobtii hore ee ay deganaayeen, una guureen degaanka Karin oo uu ku yaallo jidka muhiimka ah ee Tabca.