Muxuu Sucuudigu Xajka uga baajiyay xujayda dalka Koongo ?

War ay soo saartay wasaaradda arimaha dibada Sucuudigu ayaa lagu sheegay in aan la siin doonin dal ku gal xujayda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ka tegi lahayd.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in go’aankaa lagu saleeyey go’aankii hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay ku sheegtay in cudurka Ebola ee ka dillaacay Koongo yahay halis caafimaad oo dunida saamayn karta.

“Waxa la joojiyey fiiseyaashii ay dalka ku soo geli lahaayeen dadka ka imanaya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, si loo ilaaliyo fayo qabka xujaajta” ayey tiri wasaaraddu.

“Waxa jira dad sannado badan isku diyaarinayey in ay tagaan xajka oo xataa qaarkood ay ku qaadatay toban sannadoo si ay u dhitaystaan kharashka xajka ay ku tagayaan oo ah 4250 doolar” ayuu yiri Imam Djuma Twaha oo ka tirsan hogaamiyeyaasha Muslimiinta dalkaas.