Hot Topics

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geeridii Madaxweynihii Tuunis

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhambaal u diray Dowladda iyo Shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Tuunis ayaa uga tacsiyeeyay geerida ku timi Madaxweynihii dalkaas Mudane Muxammad Al-Baaji Qaa’id as-Sibsi.

“Waxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada Madaxweynihii dalka aan walaalaha nahay ee Tuunis Mudane Muxammad Al-Baaji Qaa’id as-Sibsi oo geeriyooday aroortii Khamiista, 25-kii bisha Luuliyo 2019. Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Tuunis ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo leh.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuum Muxammad Al-Baaji Alle uga baryey inuu u danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga oo qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka reer Tuunisna u rajeeyay sabar iyo iimaan.