Hot Topics

Muqdisho: Qaban qaabada Aaska Meydka Eng. Yariisow oo saaka socoto

Qaban-qaabada Aaska Meydka Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo maalin ka hor Isbitaal ku yaala magaalada Doxa ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir, ayaa ka socota Magaalada Muqdisho.

Diyaarad lagu soo qaadayo Meydka Eng. Yariisow oo ay la socdaan eheladiisa ayaa la filayaa in saacadaha soo socota ay ka soo degto magaalada Muqdisho.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa saaka si aad ah loo adkeeyay, iyadoo waddooyinka qaar la dhigay Ciidamo, sidoo kale gaadiidka ayaa meelaha qaar loo ogoleyn, iyadoo la xiray waddooyin dhowr ah.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan aaska Meydka Marxuum Yariisow, waxaa salaada janaasada lagula dukan doonaa Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa in Meydka Guddoomiye Yariisow lagu aaso Qabuuraha agagaarka School Polizio.