VIDEO: Dr. Gaas oo Baaq u diray DF iyo Dowlad Gobaleedyada

Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadda ugu baaqay in ay soo Afjaraan Khilaafka Mudada dheer ka dhex taagan.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladda Federaalka ee Soomaaliya laga doonaayo in ay tixgaliso hanaanka Dowlad Goboleedyada ay ku shaqeeyaan, islamarkaana ay dardar-galiso dhismaha Dowlad goboleedyadda.

Dr. Gaas ayaa tilmaamay in Khilaafka dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyadda badanaa uu ka yimaado dano gaar ah oo dhanka dowladda dhexe ee Soomaaliya, sidoo kalena waxaa sheegay in dhammaan Hay’addaha kala duwan ee dowladda Khilaafkaasi cuuryaamiyay.

Ugu dambeyntii, Madaxweynihii Hore ee Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowladda Puntland Khilaaf ka dhex taagan uu noqday soo jireen, Maadaama dowladda Soomaaliya aysan diyaar u aheyn tixgalinta Cabashooyinka Puntland.