VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Maqaamka Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa xalay mar kale khudbad ka jeediyay, munaasabad lagu maamuusayo loogana mahad-celinayo Madaxdii iyo Bulshadii kasoo qeyb-galay xuska 1-da Agoosto oo ku beegan sannad-garuuradii 21-aad ee ka soo wareegtay aas’aaskii Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa guud maray faa’idooyinka laga dhexlay Nidaamka Federaalka, Kaalinta Puntland ka qaadatay hirgelinta Federaalism-ka dalka iyo Maqaamka Caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa madaxda kala duwan ee Soomaaliyeed ka codsaday in maalinta 1-da Agoosto loo aqoonsado “Maalinta Federaalism-ka Soomaaliya” isagoo sharraxay muhiimadda ay u leedahay Nidaamka Federaalka.