Guddiga Aaska Qaran ee Marxuum Yariisow oo ka warbixiyey howlaha agaasinka ee Aaska

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir, Saalax  Xasan  Cumar, ayaa faah-faahin ka bixiyay halka ay marayaan howlaha qaban-qaabada aaska Qaran ee Maanta lagu wado in Muqdisho loogu sameeyo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo dhowaan ku geeriyooday Magaalada Doxa ee Dalka Qatar.

Mudane; Saalax ayaa mar Labaad ka tacsiyeeyay geerida Duqa ahaana Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in Guddigii uu Ra’iisul wasaaruhu u xil saaray aaska Qaran ay howlihii loo igmaday u marayaan meel wanaagsan.

“Run ahaantii Guddigu waxay soo qabteen howlo fara badan, iyadoo la marayo howlihii ugu dambeeyay iyo diyaar garoowgii ay Guddigu ku jireen, waxaana la filayaa in Marxuumka Meydkiisa lasoo gaarsiiyo Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Afhayeenku.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa dhowaan Guddi ka kooban 14 Xubnood, isuguna jira Wasiirro, Wasiir ku xigeenno iyo maamulka Gobolka Banaadir u xil saaray aaska Qaran ee loo samaynayo Maanta Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Allaha u Naxariistee, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow).

Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho, Eng; C/raxmaan Cumar Cusmaan, ayaa lagu wadaa in Maanta oo Sabti ah, laga soo qaado Meydkiisa Magaalada Doxa ee Dalka Qatar, isla markaana  aas Qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho, iyadoo qaban-qaabada laga dareemayo gudaha Caasimadda Muqdisho.