Hot Topics

Dad shacab ah oo lagu laayay Degmada Balcad

Ugu yaraan laba qof ayaa maanta lagu dilay mid kalana waa lagu dhaawacay rasaas ay koox dabley ah ku fureen gaari rakaab waday oo marayay degaan lagu magacaabo Masaley oo hoostaga degmada Balcad ee gobalka Shabellada Dhexe..

Gaariga la rasaaseyay oo ka tagay magaalada Muqdisho ayaa labada qof lagu dilay waxaa ay kala yihiin darawalka gaariga iyo qof rakaab ah oo dumar ah.

Wararka ayaa sheegaya in dad burcad ah oo hubaysan ay weerarka gaysteen.

17-kii bishii hore meel u dhow isla goobta maanta weerarka uu ka dhacay waxaa lagu dilay afar qof oo laba ka mid ah ay dumar ahaayeen kadib markii baabuurkii ay la socdeen ay rasaaseeyeen burcad hubaysan.

Ma jirto wali wax war ah oo maamulka Balcad ay ka soo saareen weerarka maanta iyo midkii ka horeyay.