Hot Topics

Ciidanka DANAB oo la wareegay Degmada Awdheegle

Ciidanka Xoogga dalka ee sida gaarka u tababaran ee DANAB ayaa Al-Shabaab kala wareegay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay qortay Wakaalada Wararka ee SONNA.

Sida wararku sheegayaan Ciidamada DANAB ayaa gudaha u galay degmada, kaddib markii ay ka saareen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Degmada Awdheegle ayaa qiyaastii 70km koofur galbeed ka xigta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia, waa degmo caan ku ah beeraha iyo dalagyada kala duwan sida khudaarta noocyadeeda kala duwan.

Awdheegle ayaa dhowr jeer ay is bedeshay gacan ku heynteeda, iyadoo Al-Shabaab ay maamulayeen degmadaas afartii sano ee u dambeysay, kaddib howlgaladii sanadihii 2012 iyo 2013 ee ciidamada xoogga dalka kula wareegeen inta badan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sanadkii 2016 ayaa Ciidamo Mareykan ah iyo ciidanka DANAB ay weerar cir iyo dhul ku qaadeen degmadaas, waxaana ay si wadajir u weerareen saldhigyo dhowr ah oo Al-Shabaab ku lahaayeen degmadaas.