Hot Topics

Daawo Sawirro: Dab ka kacay xarun ganacsi oo ku taalla Kismaay

Ciidamada Dab-damiska dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dab ka kacay xarun ganacsi oo ku taalla Isgoyska Aargo ee bartamaha magaalada Kismaayo.

Dabkaan oo dhashay Koranto ku jirtay goobta ganacsi ayaa waxaa durbadiiba soo gaaray Ciidamada gurmadka deg deg ah ee Dab-damiska Jubbaland, waxaana muddo kooban lagu guuleystay in la bakhtiiyo dabka oo aan gaarin goobihii kale ee ganacsi.

Ma jiraan wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay dabkaan. waxaana la arkayay ilaa 4 gaadiidka dab damiska ah oo ku sugan goobta walow uu dabku ahaa mid ku eg isla goobtii uu ka kacay.