Hot Topics

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal culus oo ka dhacay Laas-caanood

Wararka naga soo gaaraya Magaaladada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa sheegay in jabhadda xoraynta Khaatumo ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug, ay xalay markii labaad weerartay goob ay ku sugnaayeen Ciidanka Maamulka Somaliland.

Koox hubaysan oo ka tirsan jabhadda ayaa weerar ku qaaday Xarunta qaybta Booliiska ee gobolka sool, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Booliiska Somaliland.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in mudda saaacad ah ay maqlayeen dhawaaqa hubka culus iyo rasaas tiro badan, taas oo ku abuurtay cabsi.

Kooxda weerarka qaadday ayaa sida la sheegayo goobta isaga laabtay, welina lama xaqiijin khasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Weerarkan xalay lagu qaaday Saldhiga qeybta Boolis Gobalka Sool, ayaa imaanaya iyadoo habeen ka hor ay dableey hubaysan oo ka tirsan isla jabhaddan ay weerar ku qaadeen xerada loo yaqaanno Buurta Sayidka ee Magaalada Laascaanood oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Somaliland.