Hot Topics

Ciidanka Jubbaland oo howlgallo ka wada Afmadow (Sawirro)

Ciidamada Ammaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Afmadow iyo tuulooyin hoostaga degmadaas.

Howlgalka ayaa waxaa  si wada jir ah u sameeyay Ciidamada Booliiska,Daraawiishta iyo Nabad-Sugidda Jubbaland,waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ay sheegeen in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay,isla markaana lagu baadi goobayay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Degmada Afmadow ee Maamulka Jubbaland Gaanshaalle Mahad Maxamed Islaam ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay dad lala xiriirinayo in ay ka tirsanyihiin Al-Shabaab,isla markaana ay  baaritaano ku hayaan.

Ciidamada ayaa siidaayay qaar ka mid ah dadkii howlgalka lagu qabtay oo u badnaa Dhalinyaro, kadib baaritaano lagu sameeyay,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in Ciidamada ay sidoo kale howlgallo ka wadaan tuulooyin hoostaga degmada Afmadow.