VIDEO: Dhalinyaro laga soo celiyay Libya oo la keenay Muqdisho

Magaalada muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa dib loogu soo celiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaan ku tegay dalka Libya, isla markaana dhibaatooyin kala duwan ay ku heysteen.

Dhalinyaradaan oo gaareysa ilaa 12 Ruux oo mid haweeney tahay ayaa waxaa soo celintooda Gacan ka geystay Xafiiska Arrimaha Qaxootiga xuquuqda Caruurta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Qaar ka mid ah Dhalinyarada dib loogu soo celiyay dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay la soo kulmeen dhibaayin ay ka mid yihiin jirdil, Raashin la’aan iyo in uu ku qabsanayo Magafaha Libya oo doonaya lacag farabadan.

Dalka Libya ayaa xilligaan waxaa ka jira dagaalo sokeeye,hayeeshee dhalinyaardaan la soo celiyay ayaa doonayay inay u tahriibaan wadamada kale ee Qaarada Yurub.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay dalka ugu soo celisay dad Dhalinyaro u badan,kuwaas oo ku jiray Xabsiyo ku yaalla dalalka Libya, Itoobiya iyo wadamo kale.