Hot Topics

Muuse Biixi oo shuruud ku xiray Marti-qaad uu u soo diray Boqorka Sacuudiga (Akhriso)

Boqorka Sucuudiga Carabiya Salman Bin Cabdicaziiz, ayaa ku dartay martida uu Boqorku sanad walba ku martiqaado gudashada acmaasha Xajka Madaxweynaha Maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo warqad u diray boqorka dalka Sucuudiga ayaa uga mahadceliyay martiqaadka uu ku sharfay, isagoo sheegay inay talaabadaasi xoojinayso xiriirka ka dhaxeeya Somaliland iyo Sucuudiga.

Muuse Biixi ayaa warqadda uu u diray Sucuudaga waxa uu ku sheegay in Somaliland ay tahay dal madax banaan, islamarkaana ay isagana ay masuuliyaddiisa tahay ilaalinta sharafta dalkiisa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu dalbaday in lasoo saaro dal ku galka basaboorka diblamaasiga Somaliland, kaas oo loo sameynayo hab maamuus madaxweyne iyo in loo abaabulo kulan gaar ah oo uu la yeesho Boqorka Sucuudiga.

Madaxweyne Biixi wuxuu warqaddiisa ku muujiyay inuusan martiqaadka Boqorka ku tagi doonin Xajka haddii aan la fulin qodobada uu dalbaday.

Boqortooyada Sicuudigu wax jawaab ah kama bixin qodobada uu dalbaday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.