Hot Topics

Mareykanka oo ka hadlay Doorashada Jubbaland (War-saxaafadeed)

Dowladda Mareykanka ayaa faahfaahin ka bixisay kulan shalay Muqdisho ku dhex maray kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha siyaasadda, David Hale iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Bayaan ay soo saartay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka Morgan Ortagus, ayaa lagu sheegay in Hale uu dib u xaqiijiyey ballanta adag ee Mareykanka uu Soomaaliya uga caawinayo dadaallada is-beddellada siyaasadeed, horumarinta dhaqaale iyo xasillooniada.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaare Kheyre uu Hale xog ka siiyey horumarada Soomaaliya ay dhowaan ka sameysay dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyo inay kasoo baxdo shuruudaha deyn cafinta, taasi oo Soomaaliya u ogolaan laheyd inay dib u billowdo inay deyn ka qaadato hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

David Hale ayaa muujiyey inuu rajeynayo doorasho nabdoon oo lagu kalsoon karo oo ka dhacda maamulka Jubaland, dabayaaqada bishan, wuxuuna dhiiri-geliyey horumarka ogolaan doono in doorasho qof iyo cod ah laga qabto Soomaaliya sanadka dambe.

Labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda howl-gallada amni ee lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab haystaan iyo diyaarinta ciidamo Soomaaliyeed oo kala wareega Amisom.