Hot Topics

Shirkadda ASD Group oo wareejisay naqshada dhismaha Dekedda Garacad (Sawirro)

Shirkadda ASD Group ayaa maanta ku wareejisay Guddiga dhismaha Dekedda Degaanka Garacad ee Gobalka Mudug, naqshada dhismaha Dekedda Garacad.

Munaasabad ka dhacday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, ayaa guddigu kula wareegeen Naqshada, waxaana guddiga hoggaaminayay Islaan Bashiir Islaan Cabdile oo kamid ah Isimada waa weyn Soomaalida.

Islaan Bashiir Islaan Cabdille oo ka hadlay naqshadan ay kusoo wareejisay Shirkadda ASD Group, ayaa sheegay inay guul u tahay howlaha shaqo ee ka socda Dekedda Garacad.

Dhismaha Dekedda Garacad ayaa si weyn uga socota Degaanka, waxaana si weyn looga dareemayaa howlaha shaqo ee Dekedda Guud ahaan Degaanada Dowladda Puntland.