Hot Topics

Banaan-baxyo ka socda Laas-caanood iyo Ciidanka Somaliland oo shacab laayay (Sawirro)

Banaan-baxyo rabshado wata ayaa saacadihii lasoo dhaafay gilgilay Magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobalka Sool, kuwaas oo looga soo hor-jeedo Maamulka Somaliland, waxaana banaan-baxyadan ka dhashay khasaare.

Dadka Banaan-baxa dhigaya ayaa ku dhawaaqaya Erayo ay uga soo hor-jeedaan Maamulka Somaliland  oo dhibaatooyin fara-badan ku haya Shacabka, sidoo kalena dhawaan dil u geystay wiil dhalinyaro ah.

Ciidanka Maamulka Somaliland ayaa rasaas u adeegsanaya dadka banaan-baxa dhigaya, waxaana ku dhaawacmay illaa 10 Ruux, oo saddex kamid ah dhaawacoodu liito, sida uu Raadiyaha Dowladda Puntland u sheegay mid kamid ah Shacabka Magaalada Laas-caanood.

Wixii Kasoo Kordha kala Soco Idil News.