Hot Topics

VIDEO: Wasiir Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Puntland oo la dhaariyey.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarinta Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka dowladda Puntland Maxamed Rooble Cabdi oo Maxkamadda Sare ee Puntland ay ku dhaarisay Xarunta Madaxtooyada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhaarta ka dib ku booriyey Wasiiru dowlaha inuu si wanaagsan uga soo baxo shaqada loo igmaday ee shacabka Puntland ay ka sugayaan, waxaa uu Madaxweynuhu kula dar-daarmay inuu waxkasta ka hormariyo waajibaadkiisa shaqo ee dastuuriga ah ee uu u dhaartay.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka dowaldda Puntland Maxamed Rooble Cabdi inuu u fududeeyo shaqadiisa, kuna asturo xilkaas loo idmaday.