Hot Topics

VIDEO: Madaxweyne Deni oo ku baaqay in Wada-hadalada DFS iyo Somaliland lagu qabto Garoowe

Maxawaynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullahi Deni, ayaa ku baaqay in maqaamka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya looga hadlo Garowe, Puntland-na ay fidin doonto gogosha looga hadlayo arintaas.

Sido kale, Madaxweyne Deni ayaa Codsaday in wada-hadallada u dhaxeeya Maamulka Somaliland iyo Dowladda Fedraalka ah ee Soomaaliya lagu qabto Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sheegay in Doodaha la xariira Maqaamka Muqdisho iyo wada-hadallada u dhaxeeya Maamulka Somaliland iyo Dowladda Fedraalka ah ee Soomaaliya, ay yihiin labo arrimood uu caqabad ku noqday Dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Dalka, ayna ka go’an tahay Puntland inay marti-geliso Shirar looga doodayo arrimahaas.

Maxawaynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullahi Deni, ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu maanta furay  shirka labaad ee Doodadaha Xagaaga, kaasoo sanadkii labaad lagu qabtay magaaladda Garoowe.