VIDEO: Puntland oo ku dhawaaqday xaalad go’doon ah oo ka jirta Degmada Jariiban

Shir ay ku yeesheen Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, Wasiirada Wasaaraddaha Hawlaha Guud, Deegaanka, Kaluumaysiga, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland iyo Agaasimaha Hay,adda Waddooyinka Puntland PHA, ayaa looga dhawaaqay xaalad deg deg ah uu soo food-saaray Degmada Jariibaan ee Gobalka Mudug.

Ku-simaha Agaasimaha ahna Agaasime ku-xigeenka Hay’adda Wadooyinka Dowladda Puntland Cabdirasaaq Maxamed Xayir, oo Warbaahinta u akhiyay Baaq kasoo baxay Shirka ayaa ku dhawaaqay xaalad go’doon ah oo ka jirta isu socodka Degmada Jariiban ee Gobalka Mudug, taas oo ka dhalatay Ciid xirtay waddooyin Degaanka.

Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland ayaa sheegay in Go’doonkan soo food-saaray Isu socodka Degmada Jariibaan, uu saameeyay Mashaariic hormarineed ee Gobalka Mudug, oo ay kamid yihiin Dhismaha Dekedda Garacad, Dhismaha Wadada Wadaagsin iyo dhul daaqsimeedkii Degaanadaas.

Mr. C/risaaq Xayir ayaa ku baaqay in loo wada istaaqo wax ka qabashada Xaaladan Go’doonka ah ee ka jira Degmada Jariiban.