Hot Topics

Maxay tahay ujeedada Safarka Guddoomiye Dhooba-daareed ee Muqdisho ? (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed), ayaa maanta u amba-baxay Magaalada Muqdisho ee Xarunta dalka.

Guddoomiye Dhooba-daareed, oo aan la hadlin Saxaafadda ayaa u jeedada safarkiisa lagu sheegay inuu yahay safar shaqsiyadeed.

Wararka ayaa sheegay in Guddoomiye Dhoobo-daareed uu Muqdisho kula kulmayo Madaxda Dowladda Federaalka, gaar ahaan Guddoomiyaasha labada aqal, uuna kala hadli doono wada-shaqeynta Baarlamaanka DFS iyo Baarlamaanka Puntland.