Hot Topics

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Habar-gidir oo maanta wada tagay Degmada Hobyo (Sawirro)

Xildhibaano katirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin ayaa gaaray Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiin oo uu hoggaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Abshir Bukhaari, ayaa ka qeyb-galaya gaba-gabada Shirweynaha Beesha Habar-gidir oo in muddo ah ka socday Degmada Hobyo.

Shirweynaha Beesha Habar-gidir oo looga tashanayay aayaha Beesha ayaa la filayaa in lasoo gaba-gabeeyo 5 bishan September, iyadoona lagu soo saari doono go,aano ku Aadan Arrimaha Beesha iyo doorkeeda Siyaasada Soomaaliya

Dadka odorasa Xaalada Soomaaliya ayaa aaminsan in go,aanka kasoo baxa Shirka Beesha Habar-gidir uu saameyn balaaran ku yeelan doono dhismaha Maamulka Galmudug oo haatan ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya.