Hot Topics

Ra’iisulwasaare Kheyre oo ku wajahan Magaalada Marka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta oo sabti ah ku wajahan Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo qabanqaabada soo dhaweyntiisa ay ka socoto Magaaladaas.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ku tagayo Marka oo qaadanaya saacado kooban ayaa qeyb ka ah safarkiisa deegaanada maamulka Koofur Galbeed, iyadoo safaro ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ee Gobolka Baay iyo Bakool.

Ammaanka Magaalada Marka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana habeen ka hor duleedka magaalada ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Milateriga ee ka tirsan Guutada 14 October iyo Al-Shabaab.