Jubbaland oo ka hadashay toogashada Nabadoon Qalyar

Afhayeenka Laamaha Amniga Jubbaland ayaa sheegay in Ciidanka Ammaanka Jubbaland ay waddaan dadaallo lagu doonaayo in gacanta lagu soo dhigo Kooxihii ka dambeeyay dhaawaca loo geystay Nabadoon Axmed Jaamac Qalyar, oo kamid ahaa Waxgaradka Jubbaland.

Af-hayeenka ayaa sheegay in xaaladda Caafimaad ee Nabadoonka ay hadda wanaagsan tahay , islamarkaana uu ku jiro mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Kismaayo.

Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar ayaa  ahaa guddoomiyaha guddigii la-magacbaxay badbaada Jubbaland oo ay sameysteen musharixiintii is-bedal doonka Jubbaland, waxaana uu sidoo kale ka mid ahaa Waxgaradka sidda weyn uga soo horjeediyay Madaxweynaha Jubbaland.