Hot Topics

Somaliland oo laashay Heshiiskii Saldhiga Milateri ee Imaaraadku ka dhisan lahaa Berbera

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ku dhawaaqay inay joojiyaan Saldhiggii Imaaraadka Carabta ka dhisanayeen garoonka diyaaradaha Berbera, isagoo xusay inuu noqon doono mid rayid ah oo wixii hadda ka dambeeya uu noqon doono garoon weyn.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in qorshahaan uu yimid wadatashi dheer ka dib, islamarkaana Somaliland ay ka baxday heshiiskii Dowladda Imaaraadka Carabta ee Saldhigga Berbera.

Madaxweynaha oo ku sugan Berbera waxaa sheegay in Garoonku ahaan doono mid shacab oo weliba noqon doono kuwa ugu waa weyn Afrika.

“Garoonkii Berbera ee in badan laga murmaayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la-lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu yahay, Ciidankii waan ka wareejiyey oo waa Shibil Maanta” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in garoonka laga dhisi doono mid ka mid ah Garoomadda ugu weyn Adduunka.