Hot Topics

DFS oo kusoo biirtay Shirka Maalgashiga Puntland (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta DFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa kasoo qayb galay shirka maanta, waxa uu jeediyey khudbad muhiim ah oo ka hadlaysa muhiimadda Maalgashiga, waxaana uu bogaadiyey talaabada wanaagsan ee Madaxda Dowladda Puntland shirkan ku hirgeliyeen. Shirka ayaa waxaa qayb ka ahaa sidoo kale masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, dhamman maalgashadayaashii shirka qaybta ka ahaa, Ganacsato Soomaaliyeed iyo khuburo shirka qayb ka ahayd.

Ajandaha shirka maanta ayaa waxaa looga hadlay qodobo muhiim ah oo ay kamid yihiin horumarinta dhallinyarada, maalgashiga, caqabadaha iyo fursadaha, dalxiiska, adeegyada Bulshada, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shirka Maalgashiga Puntland maanta gelinka dambe soo xidhaya, waxaana kasoo bixidoona shirka War-murtiyeed soo koobaya qorsheyaasha lagagadooday, looga hadlay, laguna soo bangigay shirka.