Hot Topics

Video:-Madaxweyne Deni oo ugu digay Madaxda DFS muddo kororsi

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay Warar maalmihii ugu dambeeyay hareeyay Saaxada Siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo ku aadan in Madaxda Dowladda Federaalka ay doonayaan inay sameystaan muddo kororsi.

Madaxweyne Deni ayaa ka digay in la isku dayo in muddo kororsi ay sameeyaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona xusay inay muhiim tahay in dalka ay ka dhacdo Doorasho waqtigii lagu heshiiyay.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Bulshada Soomaaliyeed waxa kaliya ayu heshiis ku yihiin ay tahay Qabsoomida Doorasho waqtigeeda ku dhacda, ayna muuqato in Madaxda haatan joogta aysan diyaarin hanaankii Doorasho ee Dalka.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay doonayso in dalka ay ka dhacdo doorasho ka duwan mida mudada lagu soo dhaqmayay ee 4.5, ayna la imaan doonto qaabka ay rabaan bulshadeedu inay noqoto Doorashada Dalka,hoos ka daawo muuqaalka

Halkan hoose ka daawo muuqaalka