Hot Topics

Shirweynaha Maal-gashiga Puntland oo maanta lasoo gaba-gabeynayo

Shirweynaha Maalgashiga Puntland ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gaba-gabeeyo Magaalada Garoowe ee Casimadda Puntland.

Shirweynahan oo qorshihiisu ahaa inuu socdo (15-17) bishan September maanta ku beegan, ayaa waxaa kasoo qeyb-galaya Marti isugu jirta Ganacsato iyo Ergooyin ka socda Shirkaddo Ganacsi iyo Dalalka daneeya Maal-gashiga, Aqoonyahano, Siyaasiyiin iyo Marti sharaf kale.

Shirkan Maal-gashiga Puntland ayaa lagu soo bandhigay inta uu socday Fursadaha Maal-gashi ee ka jira Mandiqada Puntland iyo Kheyraadka Eebbe ku maneystay, waxaana barbar socda Shirar doceeydo ay yeelanayaan Ganacsatada iyo Ergooyinka ka qeyb-galay Shirweynahan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo furay Shirweynaha ayaa sheegay in looga gol lee yahay Shirweynahan in Puntland loo soo bandhigo caalamka, si Mustaqbalka dhow ay u hesho Maal-gashi looga maarmo deeqaha Beesha Caalamka ay siiso Soomaaliya.