Hot Topics

Diyaarad uu la socdo Madaxweyne Sheekh Sharif kuna sii jeeda Kismaayo oo ku xayiran Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa Shirkadaha diyaaradaha ee u Safra Magaalada Kismaayo lagu amray in 24-saacadood ka hor ay soo dalbadan fasaxa ah inay u duuli karaan Magaaladaasi.

Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa sheegtay in Hay’addu ay diyaarisay Foom laga buuxin doono Shirkadaha diyaaradaha ee doonaya inay dadka u qaadan Kismaayo,isla markaana ay Foomkaas buuxin doonaan.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in Garoonka Muqdisho lagu hakiyay Diyaarad gaar ah oo uu la socday Madaxweynihi hore ee soomaaliya Shariif Sh. Axmed oo la sheegay inuu ku wajahnaa Magaalada Kismaayo, oo lagu qabanayo Caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo loo balansanyahay 26-ka bishaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Dadaalo xayiraado looga qaadayo diyaarada Madaxweyne Sheekh Sharif ay socdaan, iyadoona talaabadan uu aad uga carooday Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya.

Halkan ka akhriso Warqada lagu joojiyay diyaaradaha Kismaayo

Wixii Kasoo kordha Kala Soco Idil News