Hot Topics

Maxaa bedelay qorshihii Madaxweyne Farmaajo uu ku baajiyay Safarkiisa Mareykanka ?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasoo uga qeyb galayo shirka sanadlaha ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyayaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahayo argagixisada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa is-bedel ku yimid saacidihii lasoo dhaafay kaddib markii uu baajiyay subaxnimadii shalay aheyd safarkiisii, waxaana kulamo uu la yeeshay Saaxibadiisa Siyaasadda ay Ku qanciyeen inuu tago New York, maadama hadii uu ka baaqsado ay dhabar jab Ku tahay Siyaasadiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka cabsi qaba banaan-baxyo looga soo hor-jeedo oo abaabulkoodu ka socdo qeybo kamid Magaalooyinka Mareykanka, kuwaas oo lagu diidan yahay Siyaasadaha qalafsan ee Dowladda uu hoggaamiyo iyo dhibaatooyinka ay ka geysatay Xukuumadiisu Degaanada Dowlad Gobaleedyada qaar.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu safarkiisa kusoo koobi doono Magaalada New York oo ugu qeyb-galayo Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, iyo Saacado kooban oo uu tagayo Magaalada Washington oo lagu casuumay Macahad Su,aalo lagu weydiinayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horaantii bishii Agosto ee sanadkan ka tanaasulay Baasaboorka dalka Mareykanka ee uu heystay, waxaana dad badan ku tilmaameen tallaabadaas mid gogol xaar u ah tagidiisa dalka Mareykanka, isagoo ah Madaxweyne Soomaaliyeed, maadaama isagoo heysta dhalashada Mareykanka haddii uu tagi lahaa uu la mid noqon lahaa sida muwaadin dalkiisa ku laabtay oo kale, isla markaana aanu heli laheyn wax xasaanad, waana sababta uu labada jeer uga baaqday Shirka Qaramada Midoobey sanadihii 2017 iyo 2018.