Madaxweynaha Puntland oo safar aan horey loo shaacin ku tagay Boosaaso

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa safar aan horey loo shaacin ku tahay Saaka Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland.

Madaxweyne Deni oo xalay saqdii dhexe ka guureeyay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa la sheegay in safarkiisa Boosaaso uu ahaa mid deg deg ah, waxaana la sheegay in loo qariyay arrimo ammaan aawadood.

Ujeedada Safarka Madaxweyne Deni ayaa wararku sheegayaan inay tahay Xoojinta ammaanka iyo sidii uu kulamo ula yeelan lahaa Wafti balaaran oo ka socda Dowladda Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa kulamo looga hadlayo xoojin ammaanka ka bilaabay Goor-dhaweyd Magaalada Boosaaso, waxaana la filayaa inuu la kulmo Wafdi ka socda Dowladda Imaaraadka Carabta oo Puntland ka taageerta Ciidanka Badda ee PMPF-ta.

Wixii kasoo kordha Kala soco Idil News.