Hot Topics

Xasan Sheekh “Waa Arrin murugo ah in dowladdu ay maareynta Hawada u isticmaasho hub siyaasadeed”

SOMALIA, Mogadishu: In photograph taken and released by the African Union-United Nations Information Support Team 19 April 2013, Somali President Hassan Sheik Mohamud is seen in his presidential office inside Villa Somalia, the complex which houses the Somali government in the country's capital Mogadishu. Listed in this year's Time Magazine list of the 100 most influential people, Mohamud is president of Somalia's first democratically elected government after two decades of civil war unrest and conflict in the Horn of Africa nation. AU-UN IST PHOTO / STUART PRICE.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay tallaabooyinka dowladda Soomaaliya qaadeysay ee la xiriira awaamiirta dhanka maamulka Hawada ee maalmihii la soo dhaafay ay soo saartay.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo geliyay ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay muddo 30 sano ah sugeysay inay gacanta ku dhigto maamulka Hawadeeda.

“Waa xaalad murugo leh in dowladdu u isticmaasho maareynta hawada sidii hub siyaasadeed oo saameyn culus ku yeelan kara xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada dalka”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa kula taliyay dowladda Federaalka inay labo jeer ka fikirto, kana laabato dariiqa hadda wax loo wado.

Hadalkan ka soo yeeray Xasan Sheekh ayaa ku socda awaamiirta dhanka duulimaadyada ee ay dowladdu ku soo rogtay diyaaradaha aada Kismaayo, iyadoo maanta la xanibay diyaarad Muqdisho ka qaadi laheyd Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo ku sii jeeday Kismaayo.