Hot Topics

Madaxweynaha Jubbaland oo shir uga qeyb-galaya Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe), ayaa tagaya dhowaan Magaalada Muqdisho, isagoona ka qeyb-galaya Shir ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka, kaas oo horu-dhac u ah Shirka Belgium ee “Somali Partner”, kana dhacaya Xeradda Xalane.

Shirkan oo dhacaya horaanta Bisha soo socota ee October, ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galaya Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada Puntland, K/galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Shirkan ayaa ah mid looga arrinsanaya Xaalada Ammaan, Dhaqaale, Siyaasadeed iyo Doorashada 2020-ka la filayo inay dalka ka dhacdo, waxaana loogu gogal xaarayaa Shirka Belgium ee “Somali Partner”, kaas oo ah mid looga hadlayo Xaalada Guud Soomaaliya.

Talaabadan lagu casuumay Madaxweyne Axmed Madoobe Magaalada Muqdisho, ayaa kusoo aadeysa iyadoo khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo Madaxda Dowladda Federaalka oo ka horyimid dib u doorashadiisa.

Dhowaan ayay aheyd markii Wasiirka Maaliyadda Jubbaland uu ka qeyb-galay Shir looga hadlayay Deyn cafinta Soomaaliya, kaas oo sidoo kale deeq Malaayiin Dollar lagu siiyay Soomaaliya, looguna qeybiyay min hal Milyan.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa iska diiday marti-qaad ay u soo direen Madaxweynaha DFS, kaas oo ku aadana kasoo qeyb-galka Shirkan horu-dhaca u ah Shirka Belgium ee “Somali Partner”, isagoona imaanshihiisa ku xiray ka qeyb-galka Shirka ee Madaxweynaha Jubbaland.