Hot Topics

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo la kulmay Wafdi ka socda Hay’ada UNHCR (Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntlland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay Wafdi ka socda hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR, waxaana wafdiga hoggaaminaayey Wakiilka UNCHR ee Geeska Afrika Ambassador.Maxamed Cabdi Afey oo uu wahlinaayey Madaxda cusub ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Soomaaliya Johann Siffonte.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ka warbixiyay markii kulanku uu soo dhammaaday.

” Safarkoodu waxa uu ku saabsanaa inay dowladda Puntland is arkaan oo ay ka wada hadlaan xaaladaha Qaxootiga iyo Barkacayaasha. Wafdiga waxaan shir kula qaadanay Wasaarada Arrimaha Gudaha, kadibna Madaxweyne Ku-xigeenka iyo anigoo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaan Wafdiga kula kulanay guriga Madaxweyne Ku-xigeenka, halkaas oo looga wada hadlay arrimaha Qaxootiga Puntland ku sugan iyo Barakacayaasha aadka u badan ee Soomaaliyeed oo ku sugan Puntland, xaaladdooda, mustaqalkooda iyo qul-qulka Tahriibayaasha, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dalka Itoobiya oo runtii aad iyo aad ugu soo badanaaya Puntland, gaar ahaan Magaalada Boosaaso oo aad u buux dhaaftay, arrimahaas ayaan ka wada hadalnay iyo qorshayaasha dowladda Puntland ee ku aadan xakamayntooda”. ayuu yiri Wasiir Dhabanacad.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa wafiga la wadaagay in Puntland ay marti galisay kummanaan Qaxooti ah wadamo dhowr ah ka yimid iyo Barakacayaal gudaha ah, waxaana madaxda hay’adda UNHCR uu ku booriyay inay sii laba jibbaaraan dedaalada wax loogu qabanaayo dadkaasi.