Hot Topics

Xildhibaanada Labada Gole ee BFS oo ku Eedeeyay Madaxda dowladda khiyaano Qaran (Akhriso)

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho ka soo saaray war saxaafadeed xaalada uu dalka marayo, iyagoo soo hadal qaaday qaar ka mid ah qodobada dastuurka oo ay ku eedeeyeen in Madaxda dowladdu ay baalmareen, taasoo ay ku tilmaameen khiyaano Qaran.

Waxa ay caddeeyeen in Madaxweynuhu dayacay mas’uuliyaddii waajibaadkii masiiriga ahaa ee loo doortay, sida Ilaalinta Dastuurka iyo shuruucda dalka.

War saxaafadeedka ayaa waxay ugu baaqeen dowladda Federaalka in si shuruud la’aan xayiraada looga qaado Jubbaland iyo in loo saaro guddi baaritaan ku sameeya waxyeelada bani’aadanimo ee ka dhalatay cunaqabateyn la saaray reer Jubbaland.