VIDEO: Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo la casriyaynayo

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ayaa Magaaladda Boosaaso kusoo dhaweeyay wafdi ka socday Dowladda isutagga Imaaraadka Carabta oo balaarin ku samayn doona garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Wasiir Gabiley ayaa sheegay in Wafdiga ay u yimaadeen sidii ay Balaarin iyo Casriyaynta ugu sameyn lahaayeen Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, ayaa tilmaamay in lagu darayo 1200 oo ranway ah, sidoo kalena laga dhisi doono Tarminal weyn, isagoona Wasiirku uu tilmaamay in Garoonka Caalimiga ah ee Boosaaso uu noqonayo dhowaan Mid kamid ah Garoomada ugu casriyaysan Africa.