Hot Topics

Akhriso: Khudbadii ugu adkeyd ee QM u ka jeediyay Madaxweynaha Turkiga

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan Recep Tayyip Erdoğan oo khudbad ka jeediyey shirka 74-aad oo golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay xaaladaha cakiran ee dalalka Falastiin iyo Suuriya, isagoo soo bandhigay sawiro ka turjumaya khariidada saxda ah ee dhulka falastiin iyo sawiro ku saabsan qaxootiga suuriya ee dhibaataysan wuxuuna yiri ” Israa’iil weli ma qanacsana waxayna doonaysaa inay sii wado boobka dhulka Falastiin oo ah arrin daba socota qabsashadii Israa’iil ay qabsatay oo xaday qayb kamid ah dhulka Falastiin”

Wuxuu waydiiyay Qaramada Midoobay iyo madaxda caalamka ee shirka fadhiyey “xaggee israa’iil xuduudkeedu yahay, haddii aan dib u tixraacano khariidadan dhulkaas oo dhan Falastiin ayaa iska lahayd tan iyo 1947 illaa hadda, mana qarsoona in Israaiil 1967 ay bilowday qorshaha is balaarinta iyo boobka dhulka Falastiin”.

Erdugan wuxuu kaloo yiri ” Siyaasadaha israel waxay ku saleysan yihiin beegsiga Masaajidka Al-Aqsa iyo Falastiin guud ahaan, balse waa mid aan u suurta geli karin “. Wuxuu intaa ku daray oo tilmaamay in Qaramada Midoobay ay qaadatay qaraarado badan oo ka dhan ah Israeel lamana meelmarin waana wax lala yaabo doorka Qaramada Midoobay ee arinta Falastiin, hadii qaraaradaasi aan la dhaqan gelinayn, halkee cadaaladdu ka jirtaa”
.
ARRINTA SUURIYA.

Erdogan wuxuu carabka ku adkeeyay inaysan suurta gal ahayn in xal waara loo helo arrinta Suuriya iyadoo aan la soo afjarin ururada argagixisada ee suuriya.

Dawlado badan oo maraykanku ka mid yahay ayuu ku eedeeyey inay ku raaxaysanayaan oo ay sii hurinayaan colaadaha iyo dhibaatooyinka Suuriya, isla markaana ay siyaabo kala duwan garab u siiyaan xoogaga dawlada Suuriya iyo ururada argagixisada ee Suuriya.

Erdogan wuxuu tilmaamay in xaalada Suuriya ay dhaawac u horseedayso damiirka bulshada adduunka, loona baahan yahay in si adag loo xalliyo”.