VIDEO: Maxay tahay ujeedada Safarka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee Turkiga ?

Madaxweyne ku-xigeenka Puntlland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo isagu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Ganacsato ayaa u ambabaxay Wadanka Turkiga, halkaasi oo ay kaga qayb-gelayaan Shirka Maalgashiga dalka Turkiga ee Afrika.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka warbixiyey safarka ay ku aadayaa isaga iyo weftigiisu dalka Turkiga.

“Waxaan halkaan idinla wadaagayaa safar yar oo aan ku tegi doono dalka Turkiga oo ula jeedadiisu tahay shir ka dhacaya Turkiga oo lagu casuumay dowladaha Africa badidooda, shirkani wuxuu runtii daba-jooga kii ka dhacay Puntland oo aad u farxad geliyay shacabkeena iyo beesha caalamkaba”.

“Wafdi baa ila socda oo isugu jira  Puntland iyo Ganacsato oo casuumaad ka helay dowladda iyo Ganacsatada Turkiga. waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Puntland daafaha dunida laga bartay, gaar ahaan Maalgashiga oo runtii aan codsiyo badan ka helayno”. Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Karaash.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in Puntland ay soo dhawaynayso cidkasta oo maalgashanaysa, adduunkuna uu arkay nabad-gelyada taala, dowladduna ay ballan qaadayso inay ilaalindoonto.

Wafdiga Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaa Garoonka diyaaradaha Gaaroowe Gen. Maxamed Abshir kusii sagootiyey xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale.