Hot Topics

Boosaaso: Ciidanka Puntland oo xabsiga dhigay Odayaal kulamo waday

Ciidanka ammaanka Dowladda Puntland ayaa xabsiga u taxaabay odayaal ka waday Magaalada Boosaaso abaabul ka dhan ah qorshaha Puntland dooneyso inay ugu wareejiso Shirkadda laga lee yahay Imaaraadka Carabta Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Ciidanka ayaa odayaasha ugu galay xilli ay Hotel Geyre ee Magaalada Boosaaso ku lahaayeen kulan ay uga soo hor-jeedaan heshiiska Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso loogu wareejinayo Shirkadda Imaaraadka Carabta oo Balaarin iyo Casriyayn ku bilaabaysa dhowaan.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka ammaanku ay Gudaha Hotel ugu galeen, iyadoona qaarkood ay isku dayeen inay ka baxsadan goobta, ayna gaareen dhaawacyo.

Ciidanka ayaa la sheegay in dhamaan odayaasha ay gacanta ku dhigeen una taxaabeen xabsiga, halkaas oo haatan wareysiyo lagula lee yahay.

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ayaa shalay ku dhawaaqday in Balaarin iyo Casriyayn lagu sameynayo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, lagana dhigayo mid kamid ah Garoomada ugu casrisan AFRICA.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo ku sugan Magaalada Boosaaso, ayaa kulamo looga hadlayo bilaabista dhismaha Dekedda Boosaaso iyo casriyaynta Garoonka Diyaaradaha ka wada Magaaladaas, waxaana Madaxweyne Deni uu horey ugu eedeeyay Odayaasha dhaqanka Gobalka Bari inay carqalad ku yihiin Heshiiskii Xukuumadii Madaxweyne Gaas ay la gashay Shirkadda DP World, ee ahaa balaarinta Dekedda Boosaaso.