Hot Topics

DFS oo beenisay in xayiraad sadddex maalmood ah ay saartay Duulimaadyada Kismaayo

Hay’ada duulista hawada Soomaaliya ayaa been abuur ku tilmaamtay warar maalmahaan soo baxayay oo sheegayay in ay Hay’Adda mudo Saddex Cisho ah ay joojisay duulimaadyada Magalada Kismaayo.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan jirin warqad rasmi ah oo lagu joojiyay duulimaayada aada Magaalada Kismaayo oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in kaliya Shirkadaha Diyaaradaha la faray in duulimaadkooda Kismaayo ay Hay’adda kusoo wargeliyaan 24 Saacadood ka hor,isla markaana Sharcigaas uu yahay mid Aduunka oo dhan looga dhaqmo.

Ugu dambeyntii, Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin ayaa sheegay in wax xayiraada ah aysan saarneyn duulimaadyada aada dhinaca Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose,halkaas oo uu gacanta ku haayo Maamulka Juubbaland oo xilligaan uu khilaaf kala dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warkaan kasoo yeeray Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin ayaa kusoo aadaya xilli todobadkaan in Garoonka Diyaaradaha uu ka duulo loo diiday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.