Imaaraadka oo markale shirkada DPG udiiday qandaraaskii Ciidamada Badda

Sida aan xogta ku helay Dowlada Imaaraadka oo ah garab istaagaha koobaad ee Ciidamada Badda Puntland,waxay si cad uga diiday codsi mar kale uga yimid Madaxtooyada.

Codsigaasi waxuu si toos ah ugu gudbiyay Madaxweyne Deni,isagoona xanbaarsanaa fariin ahayd in shirkada PDG oo ah midii siin jirtay adeega Ciidamada Badda dib loo siiyo qandaraaskii fulinta adeegaas.

Masuuliyiintii ku matalayay Dowlada Imaaraadka hawshaas way diideen codsiga Madaxtooyada,waxayna ku adkaysteen in ay iyagu dib uxulan doonaan shirkada fulin doonta adeega.

Dhawrkii bilood ee udanbeeyay wax adeeg ah ma fulin shirkadaas,iyadoo lagu eedeeyay adeeg xumo,musuqmaasuq iyo ku tagrifalid awoodeed.

PDG,waa shirkad adeeg fulineed oo ay wada leeyihiin Rag isku tagay oo dhawaan Madaxweyne Gaas ugu magac bixiyay Midowga Shayaadiinta “Aaran Jaan”,kuwaasoo ku faana in ay iyagu Deni Madaxweyne ka dhigeen.

Diidmada imaaraadku diiday soo celinta shirkada PDG waxay dharbaaxo ku tahay kooxdaas oo dhaqaale xoog badan ka heli jirtay adeeg fulinta Ciidamada Badda.

Dhanka kale waxaa si farxad leh usoo dhaweeyay dhawaaqan bulshada Puntland,gaar ahaan kuwa Bari oo u arka fursad shaqo abuur oo markii hore koox i iska haysatay 7-sano ee lasoo dhaafay.

PDG waxay bil walba maamuli jirtay dhaqaale gaarsiisan Laba Milyan iyo Afar boqol oo ku dolar,kasoo ay ku qaadan jirtay bixinta adeegyada,mushaharaadka,caafimaadka,shidaalka iyo raashinka ee Ciidamada Badda Puntland.

Shirkadan waxaa saami dhanka shidaalka ah oo gaarsiisan %7 ku leh ninka caanka ku ah Bucad Badeednimada ee Ciise Yulux,kaasoo todobaad ka hor maleeshiyo soo dhigtay Wadada isku xirta Bosaso iyo Puntland-inteeda kale.

Ciise Yulux,ayaa markii horeba ku helay saamiga shirkada PDG markii laga laayay Maleeshiyo lagana gubay Gaadiid dagaal xiligii Dowladii Faroole uu hogaaminayay.

Waxaa kaloo jira xogo dhanka amaanka ah oo tilmaamaya in dilal iyo qaraxyo magaalada Bosaso laga fulin lahaa,balse laga hor tagay ay ku lug lahayd shirkada PDG.

Xogahan sirdoon waxay PDG ku eedaynayaan in ay amaanka khalkhalgalinayso si Madaxweyne Deni oo aan weli si buuxda uhanan awooda ay cadaadis ugu noqoto.

Madaxweyne Deni waxuu usocdaali doonaa sida xogtu igu soo gaartay ayna dhici karto in ay isbadasho dalka Imaaraadka lamana xaqiijin karo in uu utagayo Wadankaas hawsha PDG.