Hot Topics

Madaxweyne Farmaajo “Waxaan kordhinaynaa Isla xisaabtanka”

Madaxweynihii Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey fadhi gaar ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay dadaallada Dowladda ee kobcinta dhaqaalaha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada, dib u eegsita dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo lagu asteynayey maamul wanaagga iyo yareynta musuqmaasuqa oo caqabad ku ah dib u kabashada dalkeenna.

“Waxaa si buuxda nooga go’an in aan sare u qaadno daah-furnaanta, isla xisaabtanka heer shaqsiyeed iyo mid hay’addeed iyo in aan si toos ah ula falgalno shacabka si ay kaalintooda uga qaataan hannaanka dib-u-habaynta maamulka iyo maaliyadda dalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammeystika hannaanka dimuqraadiyadeed iyo tan doorasho ee dalka, iyada oo ay wadajir uga wada shaqeynayaan Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo Hay’adaha Dowladda ee bahwadaagta la ah sidii looga mira-dhalin lahaa qorshaha siyaasadda loo dhanyahay.

“Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bahwadaagteeda u soo gudbiyeen xog hordhac ah oo ku saabsan hawlaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha. Waxaan ku rajo weynnahay in ay noo suurtagasho qabsoomidda doorasho taariikhi ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si faahfaahsan uga hadlay tayeynta, diiwaan gelinta iyo guulaha Ciidamada Qalabka sida ay ka gaareen Al-Shabaab, iyaga oo xoreeyey deeganno muhiim ah, wakhtiganna ay sii wadaan howlgallada ballaaran ee xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa habeen dambe khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedinaya shirka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.