Hot Topics

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah riday

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya qeybta 27-aad ayaa Maanta waxaa ay soo geba-gabeysay kiiska dil qof Shacab ah loogu geystay duleedka Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,isla markaana kiiskaas uu heerar kala duwan soo maray.

Dilka qofka Shacabka ah ayaa waxaa loo heystay Saddex askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda,waxaana Maxkamada Ciidamada ay Maanta xukun dil toogasho ah ku riday mid ka mid ah askarta oo  lagu Magacaabo Maxamed Ibraahim Axmed, kaas oo la sheegay in dilkaasi uu ka dambeeyay.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad  Dhame, Maxamed Cabdulle Aadan Amiin oo Warbaahinta u Akhriyay xukunka Maxkamada ayaa sheegay in falka dilka ah uu ku cadaaday Dable Maxamed Ibraahim Axmed,isla markaana lagu xukumay dil toogasho halka la siidaayay labada askari oo kale,kadib markii wax dambi ah lagu waayay.