Hot Topics

Wararkii ugu dambeeyay ee Qarax ka dhacay Muqdisho

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Isgoyska 14-ka Octoober ex Zoobe ee Magalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa Miino lagu dhejiyay Gaari nooca aan xabada Karin ee loo yaqaano Bilad Buruuf oo ay wateen sida la sheegay Saraakiil u dhashay alka turkiga.

Laba qof ayaa la sheegay inay qaraxaasi ku dhaawacmeen oo mid kamid ah uu yahay howlwadeen u dhashay alka turkiga,waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Hay’adaha Amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxa Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho,waxaana xusid mudan in maalmihii la soo dhafay ay muqdisho kusoo bateen qaraxyada nooca gawaarida lagu dhejiyo.