Hot Topics

Madaxweyne Farmaajo oo loo diiday inuu tago Washington DC

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa loo diiday codsigiisii uu ku dalbaday Visa uu ku tago Washington.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qorshaynayay in uu tago Washington DC, oo uu la kulmo Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Madax kale oo katirsan Dowlada Maraykanka, iyadoona sidoo kale la qorsheynayay inuu xariga ka jaro Guri Cusub oo ay gadatay Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa diidmada Visa-ha kadib la filayaa in uu dib ugu soo laabto Dalka, maadama uu soo idlaaday Qorshihiisii kale ee uu ku joogay Magaalada New York ee aheyd inuu khudbad ka jiidiyo Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo inuu ka qeyb-galo kulamo doceedyo looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha waxaa qabtay Qodobkan hoos ku qoran ee sheegaya;

“The US typically grants diplomats a C-2 visa, which allows them to remain in the US for as long as a month and to move within a 40km (25-mile) radius”.

Taariikhda Diblomaasiyada Soomaaliya iyo Mareykanka, waa markii ugu horaysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed oo xilka haya loo diido Visa uu codsaday ama meel ka mid ah Maraykanka oo uu tagi lahaa, waxaana arintani ay waji gabax ku tahay Siyaasadda Madaxweyne Farmaajo oo ah mid aan fadhin, sida ay rumeysan yihiin Dadka ka faalooda Arrimaha Soomaaliya.