Maxaad kala socotaa xogta Guriga Washington ee Farmaajo xariga ka jarayo ?

Maanta oo Jimca ah,waxaa qorshuhu yahay in xeriga laga jaro Guri cusub oo loo iibiyay Safaarada Somalida Washington DC ee cariga Maraykanka.

Gurigan cusub waxuu ku yaalaa Massachusetts Ave NW oo u dhaw hoyga Madaxweyne xigeenka Maraykanka.

Gurigan waxaa lagu iibshay lacag ka timid Dhul weyn oo Safaarada Somalida ku lahayd isla Washington oo horay loo gaday.

Lacagta dhulkaa lagu gaday,ayaa dhamayd 8 Milyan oo dolar.

Hadaba Macluumaad hoose oo aan ka helay diblomaasiyiin xogtooda laysku haleyn karo oo ku sugan New-York iyo Washington,waxay ii xaqiijiyeen in habka loo maray iibinta Gurigan danbe uu musuq maasuq xad dhaaf ku jiro.

Lacagta lagu iibshay Gurigan yar ee xaraashka lagu helay,ayaa gaaraysa Hal Milyan iyo Laba Boqol oo kun dolar,balse loogu magac bixiyay in lagu iibshay 4-Milyan oo dolar.

Iibinta Gurigan waxaa iska kaashaday Sahro Abraar oo ah Gabar ay ehel dhow yihiin Wasiir Beyle iyo Abuukar Baalle oo Safiirka Somaliya ee Washington.

Lacagtan 4-Milyan ah ee loogu magac bixiyay iiibinta Guri ay yeelanayso Safaarada Somalida ee Washington,marka laga soo tago,waxaa iyaduna cadayn ubaahan halka ay ku danbaysay 4-kale ee soo hartay qaybtana ka ahayd 8-Milyan ee Dhulka laga bixiyay.

Wal-walka kale ee taagan,ayaa ah qorshaha iibgaynta ee ku socda Guriga Safaarada Somalida ee New-York,kaasoo ku yaala Long Islan oo ah mid ka mid ah Xaafadaha ugu qaalisan magaaladaas.

Sidoo kale waxay diblomaasiyiintaas diiday in aan magacyadooda soo xigto ii sheegeen in Abuukar Baalle,Wasiir Axmed Ciise Cawad iyo Wasiir Beyle ay wadaan qorshe lagu iibinayo Guryaha Safaaradaha Somalida ee Doha Qatar iyo Paris France.

Danjire Abuukar Baalle,Wasiir Cawad iyo Wasiir Beyle waxay ka midaysan yihiin musuq-maasuqa ka socda Safaaradaha Somalida ee Dibada.

Sahra Abraar waa Gabar awood badan ku leh Safaarada Somalida ee Washington,taasoo uu siiyay Wasiir Beyle ,isagoo usoo maraya Wasiir Cawad.

Lacagtan,waxaa si duuduuban horay Golaha Wasiirada usoo dhaafiyay Wasiirka Maaliyada Beyle,waxuuna kusoo daray Miisaaniyada Xukuumada Guryo loo iibinayo Safaarada Somalida ee Washington.

Madaxweyne Farmaajo wax badan kalama socdo qorshahan iyo musuq-maasuqan xad dhaafka ah.

Jibril Qoobey.