Soomaaliya oo diiday in ay saxiixdo heshiis uu soo diyaariyay Urur IGAD

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa diiday inay saxiixdo xeer  is dhexgal oo si wada jir ah ay u diyaariyeen waddamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD, kaas oo la xariira isu socodka dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool goobaha ay xuduudaha ka leeyihiin dalalka Ururka.

Shir ka dhacay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda oo lagu saxiixayay heshiiskaas ayaa wakiilka ay u dirsatay dowladda Soomaaliya waxa uu diiday in uu in uu saxiixo heshiiskaas, isagoo  sheegay in dowladda Soomaliya inta aysan saxiixin heshiiskaan ay u baahan tahay in fursad loo siiyo sidii la tashi ay ula soo sameyn lahayd maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe.

Si la mid ah dowladda Itoobiya ayaa diiday in ay saxiixdo heshiiskaas, Itoobiya oo sida Soomaliya uu ka jiro nidaam federaal ah ayaa  noqotay wadanka soo labeeya Soomaaliya ee diiday heshiiskaas, waxayna dalbatay Itoobiya si la mid ah Soomaaliya in la siiyo fursad ay uga soo baaraan degto saxiixa hesghiiskaas.

Haddii la saxiixo xeerkan oo ay ku jiraan 32 qoodob oo ayaa u ogolaanaya dhammaan dadka xoolo dhaqatada ah in waddamada ku bahoobay IGAD ay u roob raaci karaan dalka uu roobka iyo daaqa xoolaha ka jiro, iyagoo ka gudbi kara xuduuda shuruud la’aan, waxaana dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ugu dambeyn la siiyey muddo labo bil ah in ay uga soo baaraan degaan waxa ay ka yeelayaan meel marinta sharcigaan.