Hot Topics

Ammaanka Qaahira oo si weyn loo adkeeyay

Ammaanka Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar ayaa aad loo adkeeyay iyadoona wadooyinka waa wayn ee Magaalada la dhigay gaadiid gaashaman iyo ciidan Booliis ah oo tira badan.

Dowladda Masar ayaa isku dayaysa sidii ay uga hortagi lahayd banaan baxyo la qorsheynayo in ay ka dhacaan gudaha Caasimadda Masar iyo Magaalooyin kale oo kamid ah dalkeeda.

Dalka Masar ayaa u muuqda in uu ka bilowday kacdoon cusub oo looga soo horjeedo Madaxweyne Cabdulfitax Al-Sisi, kaddib markii ganacsade u dhashay dalkaas oo lagu magacaabo Maxamed Cali uu ku eedeeyay Mr. Al-Sisi inuu sameeyay Musuq-maasuqii ugu weynaa ee ka dhaca Masar.