Hot Topics

Masuuliyiin katirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo gaaray Boosaaso (Sawirro)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cali Nuur Juba iyo Wafti uu hoggaaminayo oo ka kooban Agaasimayaal iyo saraakiil kale oo Wasaaradda Ka tirsan ayaa waxay Safar shaqo ku yimaadeen Magaalada Bosaso.

Masuuliyiinta ayaa waxay Shir kula yeesheen Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ee Magaalada boosaaso Shaqaalaha iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda ee xafiiska ku sugnaa, iyagoona warbixin ka dhegeystay Shaqaalahà Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xafiiska Bosaso.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Xafiiskeeda Bosaso ayaa waxaa ka socda Shaqooyin badan ay ka fulinayso Wasaaraddu .

Waftiga uu Hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa Maalamaha soo socda waxay arrima shaqo u joogayaan Magaalada Boosaaso.